Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii goordhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay Barta warfaafinta Taliska Booliska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in qarax gaari lagu soo raray lala beegsaday Taliyaha Booliska Gobolka Banadir.
“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud.
Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo.

