Farxaan Qaroole oo ka Badbaaday Qarax ismiidaamin oo ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho.

Qaraxa oo laga soo buuxiyay gaari kuwa raaxadda ah ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaaladda muqdisho.

Sida naloo xaqiijiyay qaraxa ayaa lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi.

Laamha amaanka ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxa ay waxyeelo soo gaartay askar kamid ah ilaaladiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here