Ciidamada Amaanka Magaalada caasimada ah ayaa waxa ay maantay markale qabteen rag dhac ka geysanayay xaafadaha magaalada muqdisho
Ragaan la qabtay ayaa waxa ay wateen gaari raaxo ah iyo bastoolad taasi oo ay dadka shacabka ah ku dhacayeen islamarkaasna ay ahaayeen
Ciidamada booliska gobolkaan banaadir ayaa waxa ay Xaafada albaraka ku qabteen laba nin oo ay sheegeen in ay ahaayeen burcad dadka mobolada iyo agabyada kale ee ay wataan ka furta
Labada nin ee burcada ah ayaa waxa magacooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan
ragaan ciidamada amaanku qabteen ayaa waxa ay qabashadoodu imaanaysaa xili xalay degmada kaaraan ee magalaada muqdisho ciidamada amaanku ka qabteen kooxo burcad ah oo ku hubeysanaa qoryo ,midiyo, bastoolado
waxaana mudooyinkii dambe sii kordhaya kooxa burcada ah ee dhaca ka geysanaya magaalada muqdisho

