Ciidanka Booliska Oo Soo Bandhigay Kooxo Burcad Ah Oo Dhac Ka Geeysan jiray Muqdisho

0

Taliska ciidamada booliska gobolka banaadir ayaa waxa ay warbaahinta usoo bandhigeen koox burcad ah iyo hub ay wateen  islamarkaasna ay dhac ugu  geysanjireen dadka shacabka ah xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir

kooxdan burcada ah oo ay soo qabteen ciidamada booliska gobolka banaadir ayaa waxa la sheegay in dadka shacabka ah  ka furan jireen mobilada iyo agabyada kale ee ay wataan

waxaana kooxdan lala soo bandhigay hubkii ay dhaca ku geeysanjireen sida midiyo ,qoryo,bastoolado

koodaan burcadaha ee lasoo bandhigay ayaa waxa ay ka koobnaayeen 18 rag ah kuwaasi oo qaar ku labisnaa dharka ciidanka

ku simaha afhayeenka ciidanka booliska caasimada ayaa waxaa uu sheegay in ragaan lasoo qabtay iyaga oo dhac u geeysanaya dadka shacabka islamarkaasna ay cadaalada horgaynayaan

waxaana uu sheegay in rag kale oo falkaan ku jira ay ku raad joogaan oo ay gacanta kusoo dhigidoonaan

sidookale taliyaha ayaa waxa uu fariin adag udiray dhalinyarada kale ee dhankooda ku howlan in ay dhaca ka geystaan xaafadaha 17 degmo ee gobolkaani banaadir  isagoo sheegay in ay bka qaadi toonaan talaabo sharciga waafaqsan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here