Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose
Dagaalkaan ayaa waxa la sheehgay in uu ahaa mid culus oo muddo saacdo ah socday islamrkaasna udhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa mamaulka juubaland iyo dagaalamayaasha al-shabaab
Wararka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu bilowday kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab la tilmamay in weerar xooogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada jubbaland ay ku lahyeen degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose
Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in dagaalkaan uu ka dhashay
Waxaana wararku ay xaqiijinayaan in dagaalka lagu dilay hal askari oo la tirsanaa ciidamada daraawiishta maamulka jubbland halka tiro intaasi ka badan oo ka tirsan ciidanka jubbaland dagaankaan lagu dhaawacay
dhankooda Maamulka Jubbaland saraakiil katirsan oo ka hadlay dagaalkaan ayaa wax ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen xubno katirsan dagaalamayaasha al-shabaab
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada maamulka jubbland iyagoona guulo ka sheegtay weerardaasi

