Raiisul Wasaare Rooble Iyo Madaxweyne Qoor Qoor Oo Isbitaalada ku booqday Dhaawacyadii Dagaalkii Ka Dhacay Wasil

0

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay  Isbitaalada magaalada Muqdishu ku booqday Bukaanadii dhaawucu kasoo gaaray weerarkii  xubno ka tirsan al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka  Wisil ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka kana tacsiyeeyay dhamaan intii ku dhimatay  dagaalkii ka dhacay wisil

Raiisul wasaare rooble iyo madaxweyne qoor qoor  ay warbixin ka dhageysteen qaar ka mid ah dadkii dhaawacayada ahaa iyagoona ka xaal wareystay waxa ay ku suganyihiin iyo in mar walba ay garabtaaganyihiim

Dhinaca kale madaxda ayaa bogaadisay shacabka iyo ciidamada qalabka kuwaasi oo dagaalka la galay al-shabaab

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u duceeyay bukaanada in Ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo, ayagoona dhanka kale ballan qaaday in ay sii labalaabi doonan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaaab kuwaasi oo weeraro inta badan ka fuliyaya deegaanada dhaca gobolka mudug

Dagaalkii ka dhacay deegaanka wisil ee dhaca waqooyi degmada hobyo ee gobolka mudug ay waxa ka dhashay qasaare farabadan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay  ku dhawaad 25 ruux halka tiro intaasi ka badana la sheegay in ay ku dhaawacmeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here