Warar dheeeraad ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo saakay aroortii lagu qaaday deegaanka wisil ee gobolka mudug
Weerarkaan ayaa waxa uu ahaa mid saacado badan qaatay waxaa uu u dhexeeyay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda
Dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaalkaan uu yahay mid khasaare kala duwan dhaliayay balse aan si dhab ah loo xaqiijin
Saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanka wisil ayaa waxa ay sheegeen in dagaalku uu haatan joogsaday islamarkaasna ay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday
Mid ka mid ah masuuliyiinta deegaanka ayaa waxa uu si kooban uga hadlay dagaalkaan ka dhacay wisil waxaana uu sheegay in khasaaro badan oo labada dhinac ah uu jiro islamarkaasna ay dib kasoo xaqiijinayaan
Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarkaan ka dhacay deegaanka wisil ee hoostaga degmada hobyo ee gobolka mudug
Al-shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda dhinaca interneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in ay weerarka qasaare xoogleh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda
Waxaana ay sheegeen in weerarkaan ay la beegsadeen saldhig ciidamada dowladda qeybta 21 ay ku sugnaayeen oo ku taal deegaanka wisil
Al-shabaab ayaa warkooda ku sheegtay in ay si rasmi ah u la wareegeen gacan ku heynta deegaanka wisil

