Maamulka Hirshabeele ayaa waxa uu ka horyimid shirkii dhawaan uu iclaamiyay raiisul wasaare rooble ee ay iskugu imaanayeen golaha wadatashiga qaran
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada hirshabeele ayaa waxaa lagu sheegay in hirshabeele aysan marba ka qeyb galayn shirka golaha watashiga qaran in muqdisho uu ka furmo
Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo maantay lagu day in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.
arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili maantay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyda la filayay in shirkoodu uu si rasmi ah uga furmo muqdisho kaasi oo looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo heshiiskii 27 may

