Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara geeystay oo saacadihii lasoo dhaafay lagu la beegsaday gobolka waqooyibarin ciidamo ka tirsan kuwa Kenya
Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno katirsan Al Shabaab ay saaka aroortii hore La sheegay weerar xoogan ku qaaday gaari khaadka siday oo ay lasocdeen ciidamo kenyaan ah xilli uu marayay deegaanka Jabi ee hoostaga Magaalada Mandheera.
Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa lagu soo waramayaan in weerarkaan uu ka dhashay
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan waxaana ay sheegeen in ay qasaaro xoogleh ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca intarneedka waxa ay ku sheegeen in weerarkaan ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan islamarkaasna ay ku dileen 3 qof Kenyaan ah halka ay sheegeen in hal qof oo kale uu si dirqi ah kaga baxsaday.
Sidookale al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaan ay ku gubeen gaarigii Khaadka siday ee ay lahaayeen dadka Kenyaanka ah.
al-shabaab warka kasoo baxay waxa ay intaas ku daraya in hal qof Muslim ah ay kabadbaadiyeen weerarka islamarkaasna uu si nabad gelya ah ku aaday gurigiisa
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsada muwaadiniinta iyo ciidamada Kenyaanka ah xliyada ay kusocdaalayaan deegaanada dhaca xuduudka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya
