Ciidamada Dowladda Oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidanka Ka Wada Shabeelaha Dhexe

0

warar aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo  waramayaa  in saakay ciidamada dowladda ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaan ka tirsan shabeelaha dhexe

howlgalada iyo dhaq dhaqaaqa ciidanka dowladda ayaa waxa la sheegay in uu daba socdo  dagaal u dhexeya ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab oo ka dhacay deegaanka biya cade ee gobolka shabeelaha dhexe

iyadoona deegaankaan uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsay fariisimo ciidamada dowladdu ay kulahaayeen halkaasi iyadoona ay guulo ka sheegteen al-shabaab weerarkaasi qarax loo adeegsaday ee ka dhacay biya cade

ciidanka dowladda ayaa waxa ay haatan wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka kadib weerarkii shalay

saraakiisha ciidanka dowladda ayaana howlgaladaan ku tilmamay kuwa ka dhan ah al-shabaab islamarkaasa lagu doonayo in looga saaro deegaanada dhaca gobolka shabeelaha dhexe

muddooyin kii dambe shabeelaha dhexe waxa ika dhacayay dagaalo fara badan oo u dhexeeya ciidanka dowladad iyo kuwa amisom oo garab ah iyo dagaalamayaasha al-shabaab

waxaana jirta in guulo dhowr ah ay labada dhanba ka kala sheegteen dagaaladaasi oo deegaano dhowr ah lagu kala qabsaday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here