warar aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaa in saakay ciidamada dowladda ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaan ka tirsan shabeelaha dhexe
howlgalada iyo dhaq dhaqaaqa ciidanka dowladda ayaa waxa la sheegay in uu daba socdo dagaal u dhexeya ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab oo ka dhacay deegaanka biya cade ee gobolka shabeelaha dhexe
iyadoona deegaankaan uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsay fariisimo ciidamada dowladdu ay kulahaayeen halkaasi iyadoona ay guulo ka sheegteen al-shabaab weerarkaasi qarax loo adeegsaday ee ka dhacay biya cade
ciidanka dowladda ayaa waxa ay haatan wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka kadib weerarkii shalay
saraakiisha ciidanka dowladda ayaana howlgaladaan ku tilmamay kuwa ka dhan ah al-shabaab islamarkaasa lagu doonayo in looga saaro deegaanada dhaca gobolka shabeelaha dhexe
muddooyin kii dambe shabeelaha dhexe waxa ika dhacayay dagaalo fara badan oo u dhexeeya ciidanka dowladad iyo kuwa amisom oo garab ah iyo dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana jirta in guulo dhowr ah ay labada dhanba ka kala sheegteen dagaaladaasi oo deegaano dhowr ah lagu kala qabsaday

