Faahfaahino:- Dab Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kacay Degmada Boondheere

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo ka kacay goob ganacsi oo ku taal isgooska siinay ee dhanka degmada boondheere

waxaana la sheegay in dabkaan uu ka dhashay fiilo koronto islamarkaasna ay khasaare xoog leh uu soo gaaray goobtaasi ganacsi

malkiilaha goobta ganacsi ee uu dabku qabsay iidle cabdirisaaq oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in dab uu ka dhashay koronto islamrkaasna uu geysatay khasaare maal oo kaliya oo naf ah oo uu galaaftayna uusan jirin

iidle ayaa waxa uu intaasi ku daray in goobtiisa ganacsi oo aheyd maqaayad ay gabihaanba bas beeshay islmarkaasna waxa uu sheegay in dadaal dheer kadib lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo

waxaana uu sheegay in dabku uusan gaarin goobihii ku dhaganaa maqaayada gubatay islamarkaasna isaga oo dabku ku siifidayo kooxaha dabdamiska iyo dadka shacabka ah ay ku guuleysteen in dabka la baqtiijiyo ama la damiyo

magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa mar marka qaar ka kaca dab khasaare maal iyo mid nafeedba geysta kuwaasi oo la sheego in ay ka dhashaan koronto

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here