Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxii ka dhacay Caasimadda Moqadisho kaas oo lala eegtay dhalinyaro Soomaaliyeed xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xeradda Ciidanka Jeneraal dhega-badan iyagoo diyaar u soo diyaar garoobay inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falkaas , dawladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.
in kabadan labaantan ayaa shalay ku dhimatay qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday dhalinyaro doonayay in ay ka mid noqdaan ciidanka dowladda iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhawaad sodon qof
dowladda badan oo caalamka ah ayaa weerarkaan cambaareeyay oo ay ugu horayso dowladda Turkiga oo iyadu tababar siisa ciidamada dowladda

