Madaxweyne Qoor Qoor Oo Goordhaw Ku Dhawaaqaya Xubnaha Guddiga Doorashada Kumatalaya Galmudug

0

Waxaa lagu wadaa in saacadaaha soo socda uu madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor uu magacaabo xubnaha guddiga doorashada qaranka ku matalaya maamulka galmudug oo dhawaan lagu celiyay kadib markii cabasho laga keenay

madaxweyne qoor qoor ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waday wada xaajoodayadii ugu dambeeyay ee uu la yeelanaya masuuliyiinta maamulka galmudug si ay u shaaciyaan xubnaha guddiga doorashada

waxaana uu kualamo kala duwan la qaatay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi masuuliyiin uu bku jiro isagoo kala yeeshay la tashiyadii ugu dambeeyay si uu ugu dhawaaqo xubnahaan oo laga sugayo maadaama maamulka kaliya ee xubnuhu ay ku dhimanyahay ay yihiin islamarkaasna uu aad u yaryahay waqtiga lagu heshiiyay in dalka doorasho looga hirgaliyo

xubno ku dhaw madaxtooyada galmudug ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo maamulku uukusoo magacaabayo xubnaha guddiga doorashada islamarkaasna ay jiraan cadaadis xoogan oo dhanka waqtiga oo mamaulka ku qasbaya in ay dadajiyaan in xubnahaan ay ugudbiyaan raiisul wasaare rooble oo hogaaminaya arimaha doorashada

Sidookale xubno ka mid ah beesha caalamka oo uu ugu horeeyo wakiilka gaar ka ah ee xoghaya guud qaramada midoobe ee soomaliya MR James Swan ayaa la filaya in madaxweynaha mamaulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor in ay kala hadlaan arinta ku saabsan hirgalinta heshiiskii arimaha doorashooyinka 27 may lagu gaaray muqdisho iyo sida maamulka galmudug loo baahanyahay in uu qeyb uga qaato dada jinta doorashada qaranka

maamulka galmudug  ayaa ah halka maamul ee laga sugayo in uu soo dhameystiro guddiga doorashada qaran si loo gudaha dagalo arimaha doorashooyinka

warar ugu dambeeyay oo aan ka helayno ayaana sheegaya in daqiiqadaha soo aadan lagu wado in lashaaciyo xubnaha galmudug ee guddiga doorashooyinka dalka islamarkaasna ay magaalada dhuusamareen kulamo ku qaadanayaan madaxweynaha maamulka galmudug si loo sii amba qaadi howlaha kale ee arimaha deegaanada galmudug iyo doorashooyinka dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here