Xubno Ka Socda Beesha Caalamka Oo Maantay Kuwajahan Kismaayo Iyo Fariimo Xasaasi ah Oo Ay Wadaan

0

Xubno Kasocda beesha caalamaka ayaa maantay waxa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada kismaayo iyadoona la mtilmaamay in halkaasi ay utagayaan in arimo kusan doorashooyinka dalka ka dhacaya ay kala hadlaan hogaanka maamulka jubbaland

xubnaha ayaa waxa la sheegay in ay ka xogwaeysan doonan madaxweynaha maamulka jubbaland halka ay marayaan dadaalada lagu dahaqan galinayo doorashada dalka la filayao in ay ka dhacdo Dalka sanadkaan 2021

war qoraal ah oo kasoo baxay qaramada midoobe ayaa waxa lagu sheegay in xubno ka socday Qaramada Midoobay, AMISOM, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa booqday Magaalada Kismaayo si ay ugala hadlaan Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ horumarka iyo tallaabooyinka xiga ee hirgelinta heshiiskii 27 May, gaar ahaan u diyaar garowga amniga doorashada, muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo qoondada haweenka ugu yaraan boqolkiiba 30, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo wadahadalka Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inta lagu gudajiro howlaha doorashada.

Wadahadalladii ka dhacay Kismaayo ayaa sidoo kale looga hadlay caqabadaha bini’aadanimo iyo kuwa dhaqaale ee ka jira Jubaland, iyo in si degdeg ah loo dardargeliyo barnaamijka tallaalka COVAX

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here