Dowladda Oo Guulo ka Sheegatay Howlgalo Ka Dhacay Gobolada Hiiran Iyo Shabeelaha Dhexe

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah  Al-shabaab oo ciidamada dowladdu ay ka wadaan  Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostega degmada Buulo-burtI ay ku dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan al-shabaab ay kaga qabsadeen hub badan oo uu sheegay in  la soo bandhigay.

Wasiir Cabdifataax  ayaa dhanka kale ka warbixiyay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ay  ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ay kula wareegeen degaano hor leh isla markaana haatan ay ku sugan yihin  Ciidanka dowladda,waxaana uu sheegay in  howlagalada lagula dagalamayo al-shabaab ay sii socon donaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigg ayaa Isbitaal shalay ku booqday Askar ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here