warar kala duwan ayaa kasoo baxaya gabar soomaaliyeed oo si xun loogu dilay gudaha magaalada mombassa ee dalka kenya
Gabadhaan soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxa magaceeda lagu sheegay najmo macalin cabdulaahi ,waxaana la sheegay in in muddo ah gabadhaan la weysanaa balse goordambe meydkeeda la helay
Qoyska gabadhaan ayaa waxa ay sheegeen in gabdhoodu ay aheyd gabar yar oo 19 jir ah oo sanadkaan dhameysatay dugsiga sare islamarkaasna ay muddo sadax cisho ah la,aayeen
waxa ay intaasi ku dareen in gabadhameyd keeda la helay arbacadina ay waayeen xiligii ugu war dambeeysay gabdhoodana ay raacday gabar ay saaxiibo ahaayeen oo ay iskuulka ay isla dhigan jireen
sidookale ehelada gabadha ayaa qaarkooda waxa ay sheegeen in markii ay arkeen meydka gabadhooda ay si aad ah uga argagaxeen kadib markii ay sheegeen in gabadha jirkeeda ay ka muuqdeen dhaawacyo waaweyn oo loogeystay si afka, dhabarka iyo qeybo badan oo jirkeeda ah si xun looga dhibaateeyay
waxaana ay sheegeen in dilka gabadha ay uga shakisanyihiin gabadhiiraacday oo ay soo xireen ciidamada booliska wadanka kenya
sidookale waxaa la sheegay in haatan baaritaano ay ka socdaan deegaanka bonji oo uu si gaar ah uga dhacay dilka gabadha soomaaliyeed iyadoona ehelada iyo booliskuba la sheegay in ay ku raadjoogay dadkii ka dambeeyay falkaasi foosha xumaa
dhacdadaan ayaa waxa ay noqotay mid si aad ah looga naxay islamarkaasna ay cabsi xoogan ku beertay dadka ku dhaqan magaalada mombaasa ee dalka kenya

