Qarax Xoogan Oo Lala Eegtay Ciidamo Itoobiyaan Ah Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan  in duleedka magaaladaas qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa  itoobiya ah.

warar ayaa sheegaya in Qarax  uu haleelay gaari uuraal ah oo ay la socdeen askar fara badan oo itoobiyaan ah, Iyadoona la sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen ciidamo itoobiyaan ah oo gaariga la qarxiayay saarnaa

iyadoona ay wararku ay intaasi ku darayaan in qaraxaan uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ee laga koontaroolo hormuud oo lala eegtay ciidamo itoobiyaan ah oo la sheegay in ay kusoo jeedeen saldhiga ciidamada itoobiya ee jante kuudishe ee gobolka hiiraan

waxaana lasoo sheegaya in qaraxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh islamrkaasna uu goobta uu qaraxu ka dhacay uu dagaal muddo kooban socday ku dhexmaray ciidamada itoobiya iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay buurta qowla ee duleedka magaalada Beledweyne, Waxaa dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaaqa  qaraxaas si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga magaalada Beledweyne.

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay qaraxaasi lala eeegtay ciidamada itoobiaya oo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee amisom

waxaana ay sheegeen in qaraxaan ay qasaare xoogaleh ku gaarsiiyeen

al-shabaab barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku ku gubeen mid kamid ah gawaarida gaashaaman oo ay wateen ciidamada itoobiya islamarkaasna ay gabi aahna ku dhinteen ciidamada saarnaa

majirto wali wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amisom oo looga hadlayo qaraxa ciidamada itoobiya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here