Waxaa maanta lagu wadaa in madaxkamada sare ee puntland in ay dhageysato eedeysanayaal horay xukun ugu riday madaxkamada gobolada mudug iyo ceyn balse racfaan ka qaatay
In ka badan 18 xubnood oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen al-shabaab ayaa maxkamada maantay markale dhageysan doontaa eedeymaha loo heysto
Waxaana maxkamadu ay kasoo saari doontaa go,aano rasmi ah
Qareeno kale duwan oo ka tagay muqdisho ayaa la filayaa in ay difaacaan eedeysanayaasha oo ay u doodidoonan iyadoona la tilmamay in qareenadaan ay tiro gaarayan ilaa iyo 7 ruux
Asbuucaydii lasoo dhaafay ayaa sadax jeer ay maxkamadu dhageystay kiiska loo heysto ragaan maantay ayaana loo balansanyahay in fadhigii ugu dambeeyay loo fadhiisto islamrkaasna laga u wadaa in la xukumo
Waxaa xusid mudan in eedeeysanayaashaan horay loogu xukumay dil toogasho ah kadib markii la sheegay in lagu helay dambiyo la xariira dilaal ka dhacay magaalada gaalkacyo iyo in ay ka tirsan yihiin al-shabaab

