Dab Khasaare Geeystay Oo Ka Kacay Suuq Kuyaal Boosaaso

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare kala duwan  dhaliyay oo xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga puntland

Dabkaan wali lama xaqiijin waxa uu ka dhashay balse waxa la sheegay  uu gubay goobo ganacsi oo u badnaa carwooyin kuwaasi oo ku yaalay suuqa weyn ee magaalada boosaaso

Dadka shacab ah iyo baabuurta dabdamiska ah ayaa waxa la sheegay in ay iska kaashadeen sidii dabkaasi loo daminlaahaa

Muddo saacada ah kadibna  waxa la tilmaamay in ay ku guuleeysteen in ay damiyaan dabkaan khasaaraha geystay islamarkaasna ku siifidayay suuqa

Maamulka magaalada boosaaso masuuliyiin ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dabkaan uu ka dhshay qasaare baaxad lah islamarkaasn ay baarayaan wax uu ka dhashay

Waxaana ay intaasi ku dareen in dabkaan uu halis weyn galiyay suuqa magaalada boosaaso islamarkaasna ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalin doonaan soo saarida sababta rasmiga ah ee dabkaan in uu kaco dhalisay

Wararka aan ka helayno suuqa uu dabku ka kacay ayaana waxa ay sheegayaan in dabkaan uusan ka dhalan wax khasaara nafeed ah balse ay hanti ku gubatay

Deegaanada maamulka puntland uu ka arimiyo ayaa waxa xliyada qaar suuqyada ku yaal waxa ka kaca dab qasaaro sababa kuwaasi oo ay sababaaan fiilooyinka badan ee korontada iyo dab si qaldan ee loogu tuuray

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here