Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay ku guleesteen in ay soo qabtaan waxana xukuno ku riday maxkamada darajada kobaad.
waxaana goob joog ka ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ku simaha Gudoomiyaha Maxkamada iyo xeer ilaalinta.
Ciidamada amaanka Howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Iyo Baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay xili loo wadey magaalada kadib markii lagu soo qariyey Kartoono si aysan ciidamada u moodin khamri balse ay ku guleesteen Booliska oo marwaba fajiignaan ku jira.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Magaalada Bosaaso waxana uu fariin u diray kuwa caadeestay soo galinta khamriga.

