Dowladda Maraykanka Oo Ciidan La Dagaallama Al-Shabaab Usoo Diraysa Kenya

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan.

Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro ka fuliyaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here