Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo ka fuliyay Degaanka Janaale ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dileen xubno katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
howlgaladaan ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed la sheegay in ay ka war heleen in xubno ka tirsan al-shabaab ay ku suganyihiin Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi islamarkaasna ay ciidanku howlgalo qorsheysan in ay ka bilaabaan degaano hoosyimaado degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose waxaana ay sheegeen in ay kudileen xubno al-shabaab ah
ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab waxeeyna halkaasi ciidanka dowladdu sheegeen in ay ku dileen 7- kamid ah xubnood oo ka tirsan al-shabaab al-shabaab.
Saraakiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda usheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa kahortaga falalka amnidaro ee al-shabaab ay ka geystaan gobolka shabeelaha hoose.

