Ciidamada Dowladda Oo Fuliyay Howlgalo Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo ka fuliyay  Degaanka Janaale ayaa waxa ay sheegeen in ay  ku dileen xubno  katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
howlgaladaan ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii  ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed la sheegay in ay ka war heleen in xubno ka tirsan al-shabaab ay ku suganyihiin  Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi  islamarkaasna ay ciidanku howlgalo qorsheysan in ay ka bilaabaan  degaano hoosyimaado degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose waxaana ay sheegeen in ay  kudileen xubno al-shabaab ah
ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab  waxeeyna halkaasi ciidanka dowladdu sheegeen in ay ku dileen 7- kamid ah xubnood oo ka tirsan al-shabaab  al-shabaab.
Saraakiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda  usheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa kahortaga  falalka amnidaro ee  al-shabaab ay ka geystaan gobolka shabeelaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here