Wasiir Hore Juxa oo Farmajo iyo Kheyre Ku Eedeeyay Qiyaano Qaran

0

Wasiirkii Hore ee rrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), in uu sameeyay qiyaano qaran.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu kaga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, balse la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyoga dalka Itoobiya.

“Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.

Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.

Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

#Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here