Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Hiiraan

0

Ciidan ka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa Howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Deegaanada howgalka xooggan uu hadda ka Socdo ayaa waxaa ka mid ah  Aboorey,  Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, Kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud Uu ciidanka xoogga uga wado Hirshabeelle kuwaas Oo la sheegay in la doonayo in  Al-shabaab looga saarayo deegaanada maamulkaasi hirshabeele.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Maxamed maxamud  calasow (Tareedisho ) Oo  la sheegay in howlgalada uu Hor kacayay  Ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalka slamrkaasna ciidamada dowladda ay guulo dhowr ah ka gaareen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here