Ciidamada booliska magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay dhalin yaro la sheegay in ay qorsheynayeen in ay ku biiraan dagaalamayaasha al-shabaab
Dhalinyaradaan oo laba nin ahaa ayaa waxa ay kasoo baxeen magaalada hargeysa iyagoo kusiigeeday deegaanka luuq-jeelow ee gobolka hiiraan oo ay gacanta ku hayaan al-shabaab
Waxaana la tilmaamay in ragaan ay al-shabaab ku biireen iyaga oo ku sugan hargeysa islamarkaasna ay haatan usoo baxeen in ay tababar kusoo qaataan deegaan ka tirsan gobolka hiiraan
Laamaha amniga mamaulka galmudug oo sheegay in xogta ragaan labada ah ay soo gaaratay ayaa waxa ay xalay baabuur ay saarnaayeen kala dageen dhalinyaradaan
Taliska ciidanka booliska maamulka galmudug ayaa soo bandhigay labadaani nin oo ay sheegeen in ay afkooda ka qirteen in ka tirsan yihiin al-shabaab oo ay usocdeen in ay tababar kusoo qaataan deegaanka luuq-jeelow ee gobolka hiiraan
Ragaan ayaa waxa lagu kala magacaaba Jaabir xasan diirire ,yuusuf cabdirisaaq waxaana ay laamaha amniga galmudug ay sheegeen in ragaan la qalday iyaga oo deegaanada soomaalind ku sugan islamarkaasna lagu shubay fikrad qaldan sida ay hadalka u dhigeen

