Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan oo lagu qaaday fariisimo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku lahaayeen deegaan duleedka ka ah magaalada mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya
Weerarkaan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa la sheegay in ay qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
Waxaana ay guulo ka sheegteen weerarkaan al-shabaab iyagoo sheegay in khasaaro xogleh ay ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Kenya
Wararka ay al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in weerar culus ku qaadeen deegaanno ay ku sugnaayeen ciidamo boolis Kenyaan ah.
Waxaana ay intaas ku dareen in dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay weerareen deegaannada Oola iyo Sarmaan oo hoos yimaad degmada Raamu ee Mandheera.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaan al-shabaab waxa ay ku sheegeen in ay ku dileen illaa 3 askari Kenyaati ah islamarkaana kaga soo furteen 5 qori.
illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku saabsan weeraradan cusub ee ka dhacay gobolka waqooyi Bari.
