War kasoo baxay taliska ciidanka booliska soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin maalma ka hor xaaskiisa si arxandaro ah ugu dilay gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho
Ninkaan eedeysanana ah oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Xasan ayaa xaaskiisii Salaado Faarax Cali ku dilay xaafada buur hindi Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- bishaan June- 2021.
waxaana kadib falkaasi la sheegay in uu baxsaday balse ciidamada booliska ayaa sheegay in ay soo qabteen ninkaas islamarkaasna ay gacanta ku hayaan
qaar ka mid ah ehelada marxuumada la dilay oo idaacada simba la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen xogta ku saabsan in la qabtay ninkii gabadhooda dilay
waxaana ay sheegeen in ay u baahanyihiin in taliska ciidanka booliska soomaaliyeed ay ninkaas cadaalada geenyaan si loo marsiiyo waxa uu muteystay
dhacdada lagu dilay hooyo salaado faarax oo hal canug ah heystay ayaa si aad ah loo hadal ahayay waxa ayna aheyd mid si aad ah looga naxay maadaama ninkeeda oo macalin iskuul uu inta laguha iyo gacmaha ka xiray uu gawracay

