Qaar Ka Mid Dadkii Ku Dhaawacmay Duqeymihii Kenya Ka Fulisay Gobolka Gedo Oo Muqdisho La Keenay

0

waxaa magaalada muqdisho ee caasimada dalka lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay duqeymo aan loo meeldayan oo diyaaradaha kenya ay  ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka gedo

dadkaan oo dhaawacyadoodu ay darnaayeen ayaa waxa ay u badnaayeen caruur ,waxaana ay ku soo dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha kenya la beegsadeen dhul miyi ah oo ku yaal deegaanka ceelcade ee gobolka gedo

ilaa iyo 6 qofood oo iskugu jira haween iyo caruur ayaa la keenay magaalada muqdisho iyadoon la tilmamay in dadkaan lagu dabiibayo isbitaalada ku yaal caasimada

wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka xukuumada soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dadka dhaawacyada ah ee laga keenay gobolka gedo ,waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay dowladda kenya

wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa waxa uu sheegay in dowladda kenya iyada oo ku marmarsiyoonaysa howlgalka amisom ay duqeymo arxandaro ah la beegsatay dad shacab ah oo aan waxba galabsan

waxaana uu intaasi ku daray wasiirku in dowladda faderaalka ah ee soomaaliya iyo wadamada howlgalka amisom ay kenya kala xisaabtami doonan falkaan ay ku kacday dowladda kenya

duqeymaha diyaaradaha kenya ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili dowladaha soomaaliya iyo kenya ay kala xirteen hawada islamrkaasna uu san jirin wax xiriir hawada oo ay wadaagaan labada dal  haatan  balse dowladda kenya ayaa kusoo xad gudubtay hawada soomaaliya iyo duqeymo culus oo ay sheegtay in ay ku dagaalameyso wax ay u yeeraan nabadiidka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here