Wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Deegaankaan oo ay gacanta ku ahyeen ciidanka dowladda ayaa hada waxa lagu soo waramayaam in al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Warmaxan oo udhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanllaweyn.
Al-shabaab ayaa wararka ku baahiyaan barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka warmaxan ay la wareegeen kadib markii ay isaga baxeesida ay sheegeen ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa
Al-shabaab ayaa intaasi ku dareen in dagaalyahanno aad u hubaysan ay gudaha ugaleen deegaanka Warmaxan waxayna ay tilmaameen in baaritaanno ay ku sameeyeen saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada dowladda.
Marka laga soo tago sheegashada al-shabaab marjito wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka koonfur galbeed oo xaqiijinaya in deegaan kaasi si rasmi ah loo la wareegay islamrkaasna ay ciidamada dowladdu iskaga baxaan iyo sababta keentay
Sidookale majirto warar dheeriya oo laga helayo deegaanka warmaxan sababo la xaiira in ay go,antahay isgaarsiintu islamarkaana ay muddo saacado ah hawada ka maqantahay
lama oga in xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ay wali deegaanka Warmaxan ku suganyihiin iyo in ay isaga baxeen dhankooduba.

