waxaa mudooyinkii dambe si aad ah loo sugayay ku dhawaaqida codadka la kala helay doorashadii ka dhacday gobolka maroodi jeex iyo degmada hargeysa
waxaana si aad ah loo saadaalinayay in ay doorashada soomaaliland cidda guuleysanaysa ay ku xirantahay natiijada kasoo baxada labadaani
doorashadaan ayaa waxa ay aheyd mida golaha wakiilada iyo tan deegaanka ,waxaana ku tartamayay xisbiyada kala ah kulmiye , waddani iyo ucid
hadaba sidaan ayaa loo kala helay codadkii la tiriyay
Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa waxa xisbiga taladahaya ee kulmiye waxa uu ka helay 8 xubnood kuwaasi oo kala ah
Axmed Maxamed Maxamuud
Axmed Cabdi Muuse Cige
Cabdikariin Maxamed Muxumed
Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.
Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa xisbiga Mucaarad ka ah ee Waddani waxa uu ka helay 7 Xubnood oo kala ah
Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
Jamaal Aadan Diiriye Ciise
Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
Ibraahin Maxamed Jaamac.
Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa xisbiga Mucaarad ka ah ee ucid waxa uu helay 5 xubnood oo kala ah
Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
Maxamed Khadar Daahir Mooge
Maxamed Jaamac Ismaaciil
Maxamed Cismaan Maxamed
Maxamed Xasan Siciid
tani waxa ay ka dhigan tahay in kursi ahaan in xisbiyadu ay u kala heleen golaha waiilada soomaaliland oo 82 laba xubnood ah Xisbiga kulmiye oo helay 30 kursi xisbiga waddani oo helay 31 kursi iyo ucid oo helay 21 kursi
sidookale golaha deegaanka hargeysa oo ka koobnaa 17 xubnood ayaa waxa ay xisbiyadu u kala heleen Xisbiga Mucaaradka Waddani : 7
Xisbiga Kulmiye: 6 Halka Xisbiga Ucid: 4

