Guddigii lagu Muransanaa Ee Arimaha Doorashooyinka Oo Xubno Badan Laga Saaray

0

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heer fadaraal iyo heer dowlad goboleed ee lagu muransanaa.

Gudigga oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa waxa ay ka warbixiyeen dadaal ay mudooyinkii dambe wadeen oo ku aadan xaqiijinta xubnaha cabashada laga keenay eek u jira guddiga doorashooyinka qaran

Waxaana ay sheegeen in loo soo gudbiyay 67 xubnood oo cabsho laga qabay markii ay baaritaan dheer samyeena,waxa ay sheegeen in xubnahaasi ay ka saareen oo ay u arkeen in aysan dhexdhexaad ka noqonkarin doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo

Guddiga xaqiijinta ayaa waxa ay intaasi ku dareen in xubnaha laga saaray guddiga lagu muransanaa ee arimaha doorashooyinka ay u celiyeen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska raiisul wasaaraha oo qaar kooda la sheegay in laga soo magacaabay

Xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa waxa lagu eedeeyay in ay ku jiraan shaaqaale ka tirsan dowladda iyo xubno ka mid ah ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee nisa

Ugu dambeyn guddiga uu raiisul wasaare rooble magacaabay ayaa waxa ay sheegeen in xubnaha cusub ee guddiga dooashada lagu soo darayo ay baarayaan hadii ay ka soo gudbaana ay tababar sii doonan si ay shaqooyinkii loo igmaday u gutaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here