Maamulka Galmudug Oo Ciidamo Kala Dhaxdhigay Beelo Ku Dagaalamay Deegaan Ka Tirsan Galgaduud

0

Waxaa markale xalay dagaal khasaare geydstay uu deegaan ka tirsan gobolka galgaduud ku dhexmaray laba maleeshiya beeleed oo halkaasi wada daga

Dagaalkaan ayaa waxa uu daba socday dagaal xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka baxdo ee gobolka galgaduud oo isla labadaan beelood u dhexeyay

Waxaana la sheegay in beelahaan dagaalamay ay deegaan ahaan kasoo kala jeedaan magaalooyinka gaalkacyo iyo cadaado

Warar aan ka helayno deegaanka baxdo oo uu xalay markale dagaalka labada beelood ka bilowday ayaa waxa lagu soo waramayaa in khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay dagaalkii xalay

Inta la xaqiijiyay in dagaalkii xalay ay ku dhinteen ilaa iyo laba qofood tiri intaasi ka badan oo labada dhinac ahna ay ku dhaawacmeen

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid iyadoo la sheegay in ay socotay wanwan lagu joojinayo dagaalkaasi u dhexeyay labada bee lee walaalah ah

Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in saakay si rasmi ah ciidamada dowladda ay u kala dhexgaleen labada beelood islamarkaasna ay haatan socoto heshiisiinta labada beelood iyo sidii lagu soo afjari lahaa colaadaasi sokeeye

Dagaalka labadaan beeleed ku dhexmaray deegaanka baxdo ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay socday ,waxaana ka dhashay qasaare dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 10m ruux

Inta badan deegaanada dhaca gobolka galgaduud ayaa waxa kusoo laablaabta dagaalada beelaha walaalaha ah ee wada daga halkaasi

Mana jirto wax talaabo ah oo mamaulka galmudug uu uqaaday arinkaasi oo ku aadan dagaaladaan soo noqday iyo sidii looga hortagi lahaa

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here