Puntland Oo Dowladda Faderaalka ah Ku Eedeysay In Ay Ka Hor Taagan Tahay Fulinta Heshiiskii DP World

0

Barlamaanka Puntland oo xalay kulan la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayadka ah ayaa waxa ay ka hadleen arimo ku saabsab waxa kortagan dhaqangalinta heshiis shirkada DP Uu la Galay Mamulka Puntland

Waxaana barlamaanka Puntland oo suaalo laga weydiiyay arinkaasi ay ku jawaabeen in dowladda dhexe ee dalka ay ka hor taagantahay puntland DP World oo Lagu Hormarinayo Dekada magaalada boosaaso

Xildhibaanada Barlamaanka Puntaland maamulka puntland ayaa waxa ay heshiiskii  DP World saxiixeen 6 bishii Apriil 2017

Waxaana ay si rasmi ah u meelmariyeen heshiiskaasi 27 bishii jully isla sanadkaas 2017

Dhankale labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka soomaaliya ayaa si isku mid ah uga horyimid heshiiskii shirkada DP World ee imaaraadka laga leeyahay ay la gashay puntland

Waxaana qaraar kasoo baxay 12 bishii maarso  xildhibaanada barlamaanka aqalka hoose ee dowladda dhexe lagu sheegay in aysan waxba ka jirin heshiis kasta oo shirkada Dp World ay lagasho maamul goboleedyada dalka gaar ahaana puntland

Maalma yar un kadib 15 bishii marso barlamaanka aqalka sare ee dalka ayaa iyagu kasoo horjeestay heshiiskii shirkada DP world lagu gacan galinayay dekada magaalada boosaaso ee gobolka bari

Masuuliyiinta ugu sareyso Maamulka puntland iyo barlamaankooda ayaa dadaal ku bixinayay mudooyinkii ugu dambeeyay heshiiskii Dp World ee puntland sidii uu udhaqan gali lahaa balse arintaasi waa ay u soconweyday markii dowladda faderaalku ay diiday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here