Faahfaahino :- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo saacadiihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan maamulka jubbaland lagu la eegtay deegaanka u dhaw magaalada kismaayo

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino wadada lagu aasay oo lala eegtay gaari ay lasocdeen ciidamo ka tirsanaa maamulka jubbaland

Khasaare farabadan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in qaraxaan uu ka dhashay

Inta la xaqiijiayay ilaa 7 qofood ayaa ku geeriyooday qaraxaasi ,waxaana la sheegay in tiro intaasi kabadan ay ku dhaawacmeen

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxa la sheegay in ay ahayeen kuwa ka baxay deegaanka qooqaani islamarkaasna kusiijeeday degmada  afmadow balse qarax xoogan lalal beegsaday intii ay wadada ku siijireen

Socdaalka ciidanka la qarxiiyay ee jubbaland ayaa la sheegay in uu ahaa soo dhaweynta  ciyaartow kasoo baxday qooqaani

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay jubbaland hoose ,waxaana ay sheegeen in qasaare xoogleh ay k u gaarsiiyeen ciidamada maamulka jubbaland

Al-shabab warar ay barahooda dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegay weerar qaraxyo ah ay la beegsadeen ciidamada jubbland kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani.

Al-shabab waxa ay sheegteen in  weerarkan ay ku gubeen labo gaari oo kolanyada qeyb ka aheed iyagoo intaasi ku daray in ay  ku dileen sagaal askari oo ka tirsanaa ciidamada jubbaland

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsaday masuuliyiinta iyo ciidamada jubbaland  kuwaasi oo inta badan ka dhaca deegaanada jubbooyinka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here