warar ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay uu wabiga shabeele fatahaad xoogan ka geystay deegaano hoostaga degmada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
waxaana lagu soo waramaya in maantay cabsi xoogan iyo barakac uu ka jirto magaalada baladweyne iyo deegaanadii uu wabigu ku fahay
wararka ayaana sheegaya in wabiga shabeele uu fatahad cusub ka sameeyay xalay xaafada dhagax jabis ee magaalada baldweyne iyadoona haatan cabsi xoogan ay soo foodsaartay dadka ku dhaqan hareer wabiga ee deegaanada dhaca goboolka hiiraan
waxaana la sheegay in fatahaada wabigu ay khasaaro dhalisay islamarkaasna guryaha qaar ee xaafada dhagax jabis ay biyuhu gudaha ugaleen
mid ka mid ah dadka deegaanka oo lahadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in saameyn weyn ay ku yeelatay fatahaada wabiga shabeele uu ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada baladweyne haatana dadku ay sameynayaan barakac farabadan cabsi ka qabaan fatahaada wabiga owgeed
waxaana uu intaasi ku daray in hada ay cabsi xoogan ka qabaan in fatahaad xog leh uu markale wabigu ka sameeyo baladweyne
dhankale maamulka hirshabeele ayaa waxa lagu eedeeyay in ay mashruuc iyo macaash ka raadinayaan fatahada wabiga islamarkaasna aysan sida ay tahay wax uga qaban fatahaada 3wabiaga shabeele ee kusoo noqnoqday deegaanada hiiraan
iskusoo waduuboo arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili deegaanada dhaca gobolka hiiraan ay sanadihii ina dhaafay ay ku dhufteen fatahaado dadka iyo duubyadaba saameeyay
waxaana maamulka gobolka hiiran iyo kan hirshabeele lagu dhaliilay in sida ay tahay aysan ugu faaideysan daqligii loogu talagalay in looga hortago fatahaada wabiyada

