Shirka Wadatashiga Qaran Oo Maalintii Sadaxaad Maantay Galay

0

Shirka Golaha wada tashiga Qaran ee Arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa shalay diirada lagu saaray ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ajandayaasha horyaala shirka.

waxaa jirta in wali dood adag ay udhexeyso madaxada ku shireysa afisiyooni islamarkaasna qodobada qaar lais mari la,yahay

Qodobada ugu adag waxaa ka mid ah arinta gobolada waqooyi ee soomaaliland  iyo arinta gobolka gedo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here