warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaare geystay oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka muqdisho iyo beydhabo oo ka kala tirsan gobolkani banaadir iyo gobolka bay
weerarka koowaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada kaxda ee muqdisho kadib markii la sheegay in rag hubeysan ay weerar bamba gacmeed ah kusoo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada kaxda ee muqdisho
dadka deegaanka ee ku dhaqan kaxda ayaa sheegayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasasta xoogan oo labada dhinac ay iswerdaarsanayeen balse aysan sheegi karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaani
wali majirto wax wara oo kasoo baxay maamulka degmada kaxda oo xalay weerarkaan uu ka dhacay mana jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkaab balse warar madax banan ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay ahaayeen ragii xalay bamba gacmeedka ku weerar saldhiga ciidamada booliska ee degmada kaxda
wararka
dhankale weerarka labaad ayaa waxa uu ka dhacay magaalada beydhabo gaar ahaana barkoontarool oo ciidamada maamulka koonfur galbeed ay ku lahaayeen halkaasi
weerrakaan waxaa la sheegay in uu ahaa bambooyin lagu weerar bartakoontarool oo ciidamada booliska koonfur galbeed
wararka ayaana sheegaya in weerarkaan uu ka dhashay Khasaare kala duwan oo iskugu dhimasho dhaawac iyadoona uu weerarku ka dhacay barkoontarool oo lagu magacaabo boqoleyda islamarkaasna ku taal magaalada beydhabo
inta la xaqiijiyay labo qofood oo shacab ah ayaa weerarkaani ku dhintay
wararka aan helayno ayaana intaasi ku daraya inhaatan ciidamada maamulka koonfur galbeed ay howlgalo iyo baaritaano kala duwan ay ka wadaan magaalada beydhabo oo ay ku baadigoobayaan ragii weerarkaasi ka dambeeyay

