Al-shabaab oo Ka Hadlay Qaraxii Lagu Dilay Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii lagu dilay Ala ha u Naxariistee C/raxmaan Axmed Garyare oo ahaa guddoomiyuhii deegaanka Garasbaaleey iyo 3 askari oo ilaala u ahaa.

War kasoo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in qarax Miino lagu dilay Gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

“Shabaab ayaa qarax ku dilay C/raxmaan Garyare oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey iyo sedax askari oo ilaala u ahaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay XSHM.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka oo ku saabsan qaraxan lagu dilay guddoomiyihii Garasbaaleey.

Bishii January ayay aheyd markii qarax Miino lagu dilay gudoomiyihii arrimaha Bulshadda iyo Gudoomiyihii Dhalinyaradda Deegaanka Garasbaaley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here