Akhriso:-Shirka Doorashadda oo Maanta Ka Furmaya Magaaladda Muqdisho

0

Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shirka u dhaxeeya Dowladda Dhexe, Maamul  Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo lagu waday in uu furmo 20-kii bishaan Maay ayaa dib kaga dhacay kadib markii Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda ay soo gaari waayeen magaaladda muqdisho.

Hada Magaaladda muqdisho waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug,waxaana maanta la sugayaa madaxweynaha hir-shabeelle oo Magaaladda jowhar ku sugan.

Ajendaha shirka muqdisho ka furmaya ayaa ah ka hadalka heshiiskii 17-kii Sep Magaaladda muqdisho lagu gaaray,kaasi oo si wadajir ah ay u saxiixeen madaxweyne farmaajo, iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ka furmaya magaaladda muqdisho waxaa shir Gudoominaya raisulwasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble,waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha  Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug, Hir-shabeelle iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir.

Amaanka magaladda muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ayaa isha kuwada haya shirka Maanta ka furmaya Magaaladda muqdisho,iyo Natiijadda kasoo bixi karta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here