Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Garas-baaley ee Duleedka magaaladda muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhex dhacay Masaajid ku yaala Deegaanka Garas-baaley ee Magaaladda muqdisho,wuxuuna geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Sida la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaley Cabdiraxmaan axmed cali garyare oo ku tukanayay salaadda Jimcaha Masaajid ku yaala Garasbaaley.
Sidoo kale jira dad kale oo qaraxa waxyeelo kasoo gaaray kuwaasi oo ku tukanayay Masaajidka ku yaala Deegaanka Garas-baaley ee Duleedka magaaladda muqdisho.

