Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Foreign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada.
Mucaaradka Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Juballand ayaa ku eedeeyay in afartii sano ee uu xilka hayay uusan waxba ka qaban sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, isla markaana uu ku marmarsiiyoonayo arrinkaas.
Waxa uu ku dooday in tan iyo markii uu xukunka la wareegay February 2017 ay ka go’neyd in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho “qof iyo cod ah” si shacabka ay u helaan awood ay ku doortaan cidda ay doonaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khilaafkaas uu salka ku hayo rabitaanka dowladdiisa ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho ay shacabka codkooda ka dhiibtaan iyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay rabaan doorasho dadban oo awoodda siisa dad kooban.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga oo ka xun uu aqbalay heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020, balse uu ka socon waayay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Shir ay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka Dhuusamareeb isugu tageen maalmo uun ka hor inta aan la gaarin 8-dii February oo uu ku ekaa muddo xilleedka Madaxweyne Farmaajo ayaa fashilmay, waxaana dhinacyada uu midba kan kale ku eedeeyay natiijo la’aanta shirka.
Arrinta gobolka Gedo oo ahayd arrinta ugu adag ee caqabadda ku noqotay shirka in heshiis laga gaaro ayaa aakhirkii keentay in lagu kala tago.

