Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo lala beegsaday kolonyo ay lasocdeen ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya xili ay marayeen inta udhexeysa degmooyinka ceelbarde iyo xudur ee gobolada bay iyo bakool
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar toos ah la beegsadeen kolanyada ay lasocdeen ciidamada maamulka koonfur galbeed
waxaana la tilmaamy in halkaasi uu ka dhacay iska hor,imaad xoogan oo labada dhinac ah
dad ku sugan halka uu weerarku ka dhacay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen jug culus iyo rasaas badan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka
Sarkaal ka tirsan maamulka ko0onfur galbeed ayaa guulo ka sheegtay weerarkaan,waxaana ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday islamarkaasna ay dhankooda qasaare gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa al-shabaab
sidookale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka weerarka lala eegtay ay socdaalkooda iska sii wateen islamarkaasna ay howlgalo balaaran ay sameeyeen
inta badan al-shabaab ayaa weeraro la beegsada ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka koonfur galbeed xiliyada ay socdaalka dhulka ah kumarayaan deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka

