Imaam Cumar:-“Rooble Isagaa Dusha Saaranaya Fashilka Shirka Doorashooyinka”,!

0

Imaam Cumar oo kamid ah imaamyadda Soomaaliyeed ayaa Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya ku amaanay in uu qabsaday shaqadiisa,ku aadan daadihinta arrimaha Doorashooyinka.

Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ayuu sheegay in Raisulwasaare Rooble uu qaatay kaalintiisa ku aadaneyd u yeerista Madaxda Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyaga laga doonayo in ay yimaadaan Magaaladda muqdisho,ayna shirka ka qeyb galaan.

Dhanka kale Imaan Cumar oo kamid ah imaamyadda Soomaaliyeed ayaa sheegay fashil walba uu ku yimaada shirka loogu hadlaayo arrimaha doorashadda uu dusha saaran doono, Raisulwasaare rooble,madaama shirka uu yahay shaqadda  kaliyah ee laga doonayo.

Raisulwaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen rooble oo dhawaan lagu wareejiyay daadihinta arimaha Doorashooyinka ayaa shaaciyay 20-ka bishaan oo laba maalin ay ka harsan tahay muqdisho uu ka dhici doono shirka arrimaha doorashooyinka iyo amba qaadka heshiiskii 17-kii bishii Septermber.

Balse ma jirto haatan saasaan ku aadan shirka ka dhacaya Magaaladda Muqdisho,mana jiraan Madaxweynayaasha Puntland,Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyo Jubbaland midkood oo soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here