Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay xiisad guryo lagu gubay oo ka dhacday Duleedka Woqooyi Magaaladda Beledweyne,ee Gobolka Hiiraan.
Abdi iidow Muumin oo ah afhayeenka Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-shabeelle oo wareysi siinayay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in maamulka uu xiisadda dhacday ku baxay.
Waxa uu sheegay in baaritaano la sameeyay kadib lasoo qabtay shaqsiyaadka lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen in la gubo guryo dad shacab ah ay daganayeen oo ku yaala Deegaanka Harac ee Duleedka Woqooyi ee Magaaladda beledweyne.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay jiraan dad kale oo lagu tuhmaayo xiisadda in ay dab ku shideen,islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadi-goobayo.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan uu diyaar u yahay xalinta khilaafka beelaha u dhaxeeya balse dad wax ma garato ah ay ka dambeeyeen in la kiciyo xiisadda iyadoo xalinteeda loo fadhiyo.
Duleedka Magaaladda Beledweyne waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaa xiisadd u dhaxeysay beelo wada daga halkaas,waxaana shalay dhacay in guryo badan dab la qabadsiiyo.

