Khasaaro Ka Dhashay Maleeshiyaad Hubeysan Oo Guryo Ku Gubay Toolooyin Hoostaga Baladweyne

0

wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in guryo kuyaalay tuulooyin hoostaga degmada baladweyne xalay ay maleeshiyaad hubeysan dab qabadsiinyeen

waxaana la sheegay in falkaan uu laxariiro aanooyin qabiil iyo xiisaad colaadeed oo mudooyinkii dambe ka taagneyd deegaan ka tirsan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Khasaara  badan oo maal iyo nafba leh ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanku soo sheegayaan in uu ka dhashay weerarkaan xalay lagu qaaday toolooyin ka tirsan hiiraan iyadoona la xusay in guryo badan ay basbeeleen islamarkaasna qaar ka mid ah dadkii guryahooda la gubay ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaani

tuulooyinka la gubay waxaa kamid ah tuulada bacaad buuko oo hoostagata degmada baladweyne ,waxaana la sheegay in dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay iskaga barakaceen cabsi ay ka qabaan awgeed in aanooyin qabiil loo beegsado

tuulooyinka la gubay ayaa waxa ay u dhaw yihiin deegaan ay isku horfadhiyaan laba maleeshiyo beeleed kuwaasi oo diriiri ku dhaxmartay halkaasi islamarkaasna ay ku dhexjiraan ciidamada dowladda

iyadoona magaalada baladweyne ay ka soconayaan shirar lagu xalinayo labada beelood isolamarkaasna dadaalkaasi uu wado maamulka gobolka hiiraan

Wali maamulka hirshabeele iyo kan gobolka hiiraan kama aysan hadlin weerarkii xalay maleeshiyaadka hubeysan ay ku gubeen guryo badan oo ku yaal tuulooyin hootaga gobolka hiiraan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here