Maamulka Galmudug Oo Warkasoo Saaray Dabeylo Xoogan Oo Ku Dhuftay Xeebaha Gobolka Mudug

0

Maamulka  galmudug ayaa waxaa dagniino culus  kasoo saaratay dabeylo xoogan oo ku dhuftay beelaha qeybo ka mid ah gobolka mudug  ee bartamaha soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug  ayaa waxa ay  ka warbixiyeen  dabeylo Saacadiihii lasoo dhaafay ku dhuftay magaala xeebeedka hobyo ee gobolka mudug ,Waxaana ay dabeylahaasi sheegeen in  saameyn badan ay dhaliyeen

Waxaana maamulku uu dadka uga digay in xiligaan oo dabeylo xoogan  bilowdeen badduna ay aad u kacsantahay la galo bada

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay jiraan Dabeylo ku dhuftay Xeebaha hoos yimaada Hobyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay Hobyo Horumar ballaaran sameyneyso sanadihii ugu dambeeyay, isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug.

 

Inta badan xilligaan oo kale Dabaylo xooggan ayaa ku dhufta Xeebaha, waxayna saamayn ku yeeshaan dadka ku nool Xeebaha Dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here