Maamulka galmudug ayaa waxaa dagniino culus kasoo saaratay dabeylo xoogan oo ku dhuftay beelaha qeybo ka mid ah gobolka mudug ee bartamaha soomaaliya
Masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug ayaa waxa ay ka warbixiyeen dabeylo Saacadiihii lasoo dhaafay ku dhuftay magaala xeebeedka hobyo ee gobolka mudug ,Waxaana ay dabeylahaasi sheegeen in saameyn badan ay dhaliyeen
Waxaana maamulku uu dadka uga digay in xiligaan oo dabeylo xoogan bilowdeen badduna ay aad u kacsantahay la galo bada
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay jiraan Dabeylo ku dhuftay Xeebaha hoos yimaada Hobyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada Galmudug.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay Hobyo Horumar ballaaran sameyneyso sanadihii ugu dambeeyay, isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug.
Inta badan xilligaan oo kale Dabaylo xooggan ayaa ku dhufta Xeebaha, waxayna saamayn ku yeeshaan dadka ku nool Xeebaha Dalka.

