Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Qayb Galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qayb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Sharaf ayay ii ahayd in aan ka qeyb galo caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale dib loo doortay.
Madaxweyne Geelle iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Djibouti waxaan u rajeynayaa guul, horumar iyo barwaaqo ayuu yiri raiisul wasaare rooble
Madaxweyne Geelle ayaa markii shannaad loo caleemo saarayaa taladda isagoo helay tirada codadkii dadweynuhu dhiibteen inta ugu badan oo ah 98.41% waxa sidoo kale caleemo saarka qayb ka ah badi madaxda Afrika iyo qaar ka mida Dawladdaha xidhidhka dhow la leh Dalka jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here